- Kumannaan askarta Maraykanka ah oo in ka badan 250 maalmood ku sugan markabka diyaaradaha qaada ee USS Abraham Lincoln ayaa la sheegaya inay la tacaalayaan cunto yari, musqulaha oo kasii xumaanaya iyo daal faro badan, arrintan ayaa keentay in xildhibaanno Maraykan ah Pentagon-ka ka dalbadaan jawaabo ku aaddan, isla markaana ay maamulka Trump cadaadis ku saaraan joojinta dagaalka Iiraan.
- Warbaahinta milatariga ayaa sheegtay in qaar ka mid ah askarta markabka ay isku dayeen inay badda isku tuuraan, iyadoo qoysaskuna ay walaac ka muujiyeen caafimaadka maskaxda ee askarta saaran markabka.
- Warbaahinta CBS News oo BBC-da bah-wadaag la ah ayaa iyada oo xiganeysa laba ilo-wareed oo aan la shaacin soo werisay in horaantii bishan askari uu badda uga dhacay markabka, balse diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay soo badbaadisay. Waxaa loo qaaday qaybta caafimaadka, kadibna markabka ayaa laga dejiyay si uu u helo daryeel dheeraad ah. Xaaladda dhacdada ayaa weli baaritaan lagu wadaa.
- Senator Richard Blumenthal oo laga soo doorto Connecticut ayaa warqad uu u diray Hegseth ku sheegay in markabka oo ay saaran yihiin ku dhowaad 5,000 qof, laga soo sheegay inay ka jiraan sahay yari, biyo wasakhaysan, dhibaatooyin tuubooyin, caafimaadka maskaxda shaqaalaha oo sii xumaanaya iyo nidaamka isgaarsiinta boostada oo ciladoobay.
- Senator Ruben Gallego ayaa sidoo kale qoraal uu soo dhigay bartiisa X, ku dalbaday in wafdi ka socda Congress-ka loo oggolaado inuu markabka booqdo si uu baaritaan ugu sameeyo xaaladda, isaga oo intaas raaciyey "ma jirto sabab loo diidi karo in la sameeyo arrintaas".
- Weli lama shaacin taariikhda uu dib ugu laabanayo Maraykanka, balse warbaahinno kala duwan ayaa Khamiistii sheegay in Maraykanku qorsheynayo inuu markabka USS Abraham Lincoln ku beddelo USS George Washington.
Sailors on the USS Abraham Lincoln, deployed for over 250 days near Iran, are grappling with food shortages, malfunctioning toilets, and escalating mental health crises. Reports indicate that nearly 5,000 personnel are affected, leading to urgent calls from U.S. senators for accountability.18
Senator Richard Blumenthal highlighted the dire conditions in a letter to Defense Secretary Pete Hegseth, stating that sailors are facing contaminated water and communication breakdowns. He emphasized the need for immediate action, saying, “There is no reason to deny a visit to assess the situation.”6
The USS Abraham Lincoln, which left California in November and was initially headed to the South China Sea, was redirected to the Middle East following attacks on Iran in February. Its deployment, originally set to conclude in May, has been extended multiple times, with no return date announced.
In a concerning incident earlier this month, a sailor reportedly attempted to jump overboard, but was rescued by a helicopter. The situation aboard has raised alarms, prompting calls for a congressional delegation to visit the ship for an assessment.
As the Navy plans to replace the USS Abraham Lincoln with the USS George Washington, the urgency for answers and improvements in conditions for the sailors remains critical.
“Senator Richard Blumenthal detailed contaminated water, plumbing failures, and a broken mail system in a letter to Hegseth, while Senator Ruben Gallego pushed for a congressional visit, saying 'there is no reason to deny that.' A sailor who fell overboard earlier this month was rescued by helicopter and is receiving care.”












